Sidee Loo Qaybsanayaa Dakhliga Shidaalka Soomaaliya si Cadaalad ah?

Published on 16 April 2026 at 19:27
Sidee Loo Qaybsanayaa Dakhliga Shidaalka Soomaaliya si Cadaalad ah? - Mohamed Mukhtar Abdi (Santooni)
Sidee Loo Qaybsanayaa Dakhliga Shidaalka Soomaaliya

QORAAGA: Mohamed Mukhtar Abdi (Santooni)  ·  Humanitarian Leader | HR Professional | Independent Researcher

```

Hordhac

Soomaaliya waxay taagan tahay marxalad taariikhi ah. Ka dib sanado badan oo colaado iyo burbur dowladeed ah, waxaa maanta muuqata rajo cusub oo ku saabsan ka faa'iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah, gaar ahaan shidaalka iyo gaaska.

Arrintan waxaa sii xoojiyay iskaashi cusub oo u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo dowladda Turkiga, taas oo ka shaqaynaysa sahminta iyo soo saarista shidaalka iyo gaaska.

Su'aasha muhiimka ah maanta waa: Sidee loo qaybsanayaa dakhliga shidaalka si looga fogaado khilaaf iyo cadaalad darro?

Heshiiska Baydhabo (2018)

Sanadkii 2018, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-goboleedyadu waxay ku heshiiyeen qaab lagu wadaagayo dakhliga kheyraadka dabiiciga ah.

Heshiiskan wuxuu salka ku hayaa:

In kheyraadku yahay mid ay wada leeyihiin shacabka Soomaaliyeed

In aan hal dhinac go'aan kaligiis qaadan karin

In dakhliga loo qaybiyo si cadaalad ah

Qaabka Qaybsiga Dakhliga Shidaalka

Qaabka loo qeybsanayo horay waxa logu heshiiyay 2018 waxana ku heshiiyay dowladda federaalka somaliya iyo dowlad goboleedyada wuxuna ka dhacay magaalada beydhabo. Heshiiska Baydhabo wuxuu si faahfaahsan u dejiyay sida noocyada kala duwan ee dakhliga shidaalka loo qaybinaayo. Hoos waxan ku sharaxaya qaabka heshiisku u dhacay iyo sida loo qeybsaday waxana lagu heshiiyay nuucyo badan oo khyraadka dalka ah lakin kaliya waxan dul istaagaya laba nuuc oo ka mid ah Offshore iyo Onshore.

Offshore

Shidaalka laga soo saaro gunta hoose ee Badda

55%

Dowladda Federaalka (DFS)

25%

Dowlad-goboleedka laga soo saray

10%

Degmada laga soo saarayo

10%

Dowlad-goboleedyada aan soo saarin

Onshore

Kheyraadka laga soo saro barigga

30%

Dowladda Federaalka (DFS)

30%

Dowlad-goboleedka laga soo saro

20%

Degmada laga soo saarayo

20%

Dowlad-goboleedyada kale

Doorka Turkiga ee Maanta

Maanta, Soomaaliya waxay gashay wejigii fulinta, iyadoo dowladda Turkiga ay door muhiim ah ka qaadanayso:

Sahminta iyo soo sarista shidaalka iyo gaaska

Teknoolojiyada iyo khibradda

Maalgashi dhaqaale

"Iskaashigan wuxuu ka dhigan yahay: Soomaaliya waxay ka gudbaysaa qorshe, una gudbaysaa wax soo saar dhab ah."

Caqabadaha Iman Kara

1. Sharci iyo fulin la'aan

Heshiisyadi hore badankood wali si buuxda looma dhaqan gelin. Hadii heshisyada lagu heshiyay iyo sharciga hadii la hirgalinwayo waxay noqonkarta caqabad weyn.

2. Kalsooni darro siyaasadeed

Dowlad-goboleedyada iyo dowladda dhexe iskuma kalsoona mararka qaar.

3. Musuqmaasuq

Waa caqabadaha ugu halista badan. Hadii aand laga hortagina ama aan la helin nidaam cad, dakhliga wuu lumaayaa.

Casharro laga bartay Dalal Kale

Dalal badan sida Nigeria iyo South Sudan waxan ka baranay:

"Haddii aan dakhliga si cadaalad ah loo qaybin, waxaa dhaca dagaal sokeeye, bulshadana way kacdaa, dhaqaalahana wuu burburaa."

Xalka iyo Talooyin

Si Soomaaliya uga faa'iidaysato shidaalka:

Daahfurnaan

Waa in la helaa daahfurnaan. Dhammaan heshiisyadana waa in la shaaciyaa lana ilaliyo hirgalintisa.

Hay'ad madax-bannaan

In la helo hay'ad madax banan oo siyasadda ka madax banan oo maamusha dakhliga.

Xuquuqda bulshada

Waa in la ilaaliyo bulshadda somaliyeed xuquuqdoda oo aan lagu tuman.

Deegaanka

Deegaanka laga helo shidaalka waa in la ilaaliya.

Sanduuq qaran

In la sameeyo laguna keydiyo dhaqaale mustaqbalka.

Gunaanad

Iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga wuxuu furayaa fursad cusub oo taariikhi ah. Laakiin guusha dhabta ahi waxay ku xirnaan doontaa nidaamka cadaaladda ee qaybsiga dakhliga, daahfurnaanta, iyo xoojinta hay'adaha dawladda.

Waxaa Qoray

Mohamed Mukhtar Abdi (Santooni)

Humanitarian Leader | HR Professional | Co-Founder, Tusmo Youth Development Organization

```

2026 Mohamed Mukhtar Abdi (Santooni) · mohasantooni.com


Add comment

Comments

Zakariye
4 days ago

🫡

Sharif Yusuf Hirsi
3 days ago

Marka hore waxaan kaaga mahadcelinayaa qaabka qurxoon eed noogu soo diyaarisay mawduucyaan waaqiciisu uu taagan yahay

Marka xigta soo saarista shidaalka soomaaliya waxay dalka u noqonaysaa fursad iyo il dhaqaale oo wayn waxaan rajaynayaa in lagu qaysado sida ku cad hishiisyada qaybsiga qayraadka dalka,.